Wasaradda cadaalada iyo dhaqan celinta puntland oo maxkamadda degmada eyl gaari ku wareejisay

Filed under: Somali News |

Wasaradda Cadaalada, Diinta iyo Dhaqan celinta Puntland ayaa gaari  ku wareejisay Maxkamadda degmada Eyl ee Gobalka Nugaal kaas oo loogu talo galay inuu u shaqeeyo Maxkamada, gaarigan aya waxa so garsiiyey Wasarada Hay’adda lagu magacabo DDG.

Munaasibadda si her sare ah loso agasimey oo ay wasaradda Cadaalada gaarigan ku wareejinaysay Maxkamadda Eyl ayaa lagu qabtay xarunta wasaradda, waxana kasoo qayb galay masuuliyiin ka socda Dowladda Puntland, Mamulka Gobalka Nugal iyo Hay’adda ku deqday gaarigan ee DDG.

Agaasimaha guud ee Wasaradda Cadaalada iyo Dhaqan celintaPuntland Maxamed Cali Faarax ayaa sheegay gaarigan inay baahi badan u qabtay maxkamadda Degmada Eyl, sidaasi darteedna uu ku yimi, waxa kale uu raciyey Agasime Maxamed Cali Farax inay Wasaraddu ka go’an tahay sidii ay laamiga uga dagi lahayd isla markasna wax uga qaban lahayd xaalada magaalooyinka laamiga ka baxsan.

Gudoomiye ku xigeenka maxkamadda Degmada Eyl ee Gobalka Nugaal oo goobta ku sugna ayaa u mahad celiyay Wasaradda Cadaalada iyo Hay’adda DDG, wuxuna sheegay inay jirto baahiyo ay qabto maxkamadda Eyl, taasina ay qayb ka tahay in wax laga qabto baahiyahooda.

s


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *